Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika ,Jacob Zuma ayaa dacwad khaas ah ku soo oogay mas’uulka hadda wadankaasi hoggaamiyo Cyril Ramaphosa.
Waxaa uu ku eedeynaya inuu qayb ka ahaa tallaabo warbaahinta lagula wadaagay dokumeenti caafimaad oo ku saabsanaa Zuma oo lagu tilmaamay mid sir ahaa.
Hasa ahaate Ramaphosa ayaa ku doodaya in dacwadda isaga ka dhanka ah ay baal marsan tahay geeddisocodka dastuuriga ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xisbiga hoggaamiyo Koonfur Afrika ee ANC uu maanta billaabay shirweyne ku saabsan in Ramaphosa uu hoggaanka wadankaasi u tartami doono sanadka 2024 iyo in kale.