Zohran Mamdani ayaa ku guuleeystay doorasho si adag loogu tartamay isaga oo noqonaayo duqii magaalada New York ugu horeeyay ee Muslim ah.
Doorashada ayaa waxaa kula tartamay Andrew Cuomo oo si madax bannaan ku taagnaa iyo Curtis Sliwa oo ku taagnaa xisbiga Jamhuuriga.
Ka dib doorashada Andrew Cuomo ayaa ugu hambalyeeyay Mamdani guushiisa isagoo sheegay inuu la shaqayn doono si uu ugu adeego magaalada ugu weyn Mareykanka oo ay ku nool yihiin in ka badan 8 milyan oo qof.




