Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku guulaystay inuu helo taageerada dowladda Zimbabwe ee ku aaddan musharraxnimada Raila Odinga.
Tani ayaa timid ka dib markii ay wada hadal yeesheen isaga iyo dhigiisa Zimbabwe Emmerson Mnangagwa.
Dowladda dalkaasi ayaa madaxweyne William Ruto u xaqiijisay in ay si dhameystiran u taageeraysa ololaha uu madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ugu jiro la wareegidda jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Haddii uu Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka xilkan ku guulaysto waxaa uu beddeli doonaa Moussa Faki Mahamat isagoo xafiiska joogi doono inta u dhexeysa sanadka 2025 ilaa 2028-ka.