Madaxweynaha dalka Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa meesha ka saaray jinsiyadda muwaadinnimo ee afar siyaasi.
Waxaa ka mid ah Viktor Medvedchuk oo lagu eedeyo inuu taageero dowladda Ruushka.
Saddexda qof ee kale ayaa lagu magacaabaa Andriy Leonidovych Derkach, Taras Romanovych Kozak iyo Renat Raveliyovych Kuzmin.
Zelenskyy ayaa arrintan shaaca uga qaaday khudbad uu xalay jeediyay.
Waxaa uu xusay in haddii shakhsiyaad ay go’aansadaan inaysan u adeegin dadweynaha Ukraine balse sida uu hadalka u dhigay cadowga , tallaabooyinka ay qaadayaan ay noqonayaan kuwo habboon.
Viktor Medvedchuk ayay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxaa uuna soo hoggaamiyay urur mucaarad oo Ukraine laga mamnuucay.
Waxaa horay loogu soo eedeyay dacwado la xiriira qaran dumin ka hor inta aan bishii sagalaad ee sanadkii hore loo wareejin Moscow ka dib maxaabiis la is dhaafsaday.