Zelenskyy oo bogaadiyay horumarka laga gaaray heshiiska nabada ee Ruushka iyo Ukraine

0
103

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis nabadeed oo u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine uu soo dhawaado ka dib wada hadaladii ay ku yeesheen Florida, xitaa iyadoo arrinta dhuleed ay weli taagan tahay.
Isaga oo la hadlaya suxufiyiinta ka dib markii uu Zelenskyy kula kulmay guriga Mar-a-Lago iyo ka dib markii uu hore u wacay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Axadii, Trump wuxuu sheegay in Moscow iyo Kyiv ay “ku dhawaadeen weligood” heshiis nabadeed.
Trump waxa uu qiray in hal ama laba arrimood “aad u adag” ay weli taagan yihiin, oo ay ku jiraan xaaladda gobolka Donbas ee bari, kaas oo uu Ruushka la wareegay ka dib markii uu si buuxda u galay 2022.
Trump ayaa sheegay in dhinacyadu ay “ku dhow yihiin” heshiis ku saabsan soo jeedinta Maraykanka ee ah in la sameeyo “aag dhaqaale oo xor ah” qaybo ka mid ah gobolka, kaas oo Kyiv ay kala baxayso ciidamadeeda taas oo qayb ka ah nabadda laga wada xaajooday.