Zambia: Wasiir hore oo lagu xukumay 4 sano oo xabsi ah

0
831

Maxkamad ku taalla dalka Zambia ayaa maanta wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Joseph Malanji ku xukuntay 4 sano oo xabsi ah iyo inuu qabto shaqo adag.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay musuqmaasuq.
Malanji ayaa ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Edgar Lungu laga billaabo 2018 ilaa 2021.
Waxaa la xiray dabayaaqadii 2021 ka dib markii lagu eedeyay lunsashada lacagaha dowladda oo uu ku helay hanti ay ka mid yihiin labo diyaaradood oo ah kuwa qummaatiga u kaca.
Waxaa xukunka maxkamadda ku dhawaaqday garsoore Ireen Wishimanga.
Malanji ayaa 60 sano jir ah waxaana lala xukumay Fredson Yamba oo xabsiga ku jiraya saddex sano.