Yaa kusoo bixi doono doorashada maanta ka dhaceyso Dhuusamareeb?

0
583

Guddiga hirgelinta doorashada ee Galmudug ayaa lagu wadaa in goor dhow uu billaabo cod bixinta afar kursi oo maanta lagu dooranayo Dhuusamareeb.
Waxaa kuraastaas maanta loo tartamayo ka mid ah laba xiiso gaar ah leh, tirsigooduna yahay 040 iyo iyo 138.
Xog ay heshay warbaahinta ayaa tilmaamaysa in kuraastaas ay ku soo kala bixi doonaan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo dooran doono 138 iyo Cabdullahi Aadan Kulane oo ku guulaysan doona 040.
Labada musharrax oo siyaasad ahaan aad isaga soo horjeeda ayaa waxaa kuraasta kula tartamaya laba shakhsi oo aan siyaasadda lagu aqoon, waxaana sida muuqata u tanaasulay xubno la filayay inay loolan adag la geli doonaan.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sanadihii la soo dhaafay si wayn u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamad Cabdullahi (Farmaajo).
Cabdullahi Aadan Kulane ayaa ka tirsan saraakiisha ugu awoodda badan hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxaana uu kaalin muuqata ku leeyahay howlgalka ay ciidamada dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo ee khilaafka uu kala dhexeyo maamulka Jubbaland.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqonaya musharraxii saddexaad ee u taagan madaxtinnimada Soomaaliya ee la filayo inuu ka mid noqdo baarlamaanka 11-aad.
Waxaa ka horreeyay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Mustafe Sheekh Dhuxulow oo loo doortay xildhibaanno.
Cabdiraxmaan waxa uu horay xildhibaan uga soo noqday baarlamaankii Jabuuti lagu soo dhisay 2009 ee ay ku midoobeen dowladdii uu hoggaaminayay Cabdullahi Yuusuf iyo isbeheysigii fadhigiisu ahaa Asmara ee uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmad.
Baarlamaanka cusub ayaa waxaa ku soo badanaya wejiyada is diidan, iyadoo ay kuraas ku guulaysteen rag qaarkood la kala safnaa dhinacyadii Muqdisho ku dagaallamay horraantii 2021, ka dib muddo kordhintii uu baarlamaanka ansixiyay.
Doorashada Soomaaliya ayaa si dardar leh uga socota maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, iyadoo guddiga maamulka doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee gobollada Waqooyi uu maalmaha soo socda dooran doono saddexda kursi ee ugu dambeysa.
Puntland iyo Jubbaland ayaa dhankooda gaabis ka muuqdaa, waxaana weli aan xal muuqda laga gaarin khilaafka hareeyay Boosaaso iyo Garbahaareey oo ah degmooyinka labaad ee ay ka dhaceyso doorashada maamulladaas.