Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay saddex dekedood iyo warshad koronto oo ku taalla deegaannada Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan, taasoo keentay in fallaagada ay gantaallo badan ku ridaan dhulka Israa’iil.
Milatariga Israel ayaa sheegay Axadii in ay duqeeyeen dekedaha Xudeydah, Ras-Ciise iyo as-Salif ee xeebaha badda cas iyo sidoo kale warshada korontada ee Ras Kathib.