Gantaal nooca ballistic-kada ah oo laga soo tuuray Yemen ayaa ku dhacay xayndaabka garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee Israa’iil, kaas oo burbur u geystay waddo iyo baabuur, waxaana joogsaday isu socodkii hawada ee garoonkaas, sida ay muujinayaan sawirro iyo muuqaal wakaalada wararka ee Aljazeera ay xaqiijisay.
Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in nidaamkooda difaaca uu ku guuldareystay inuu soo rido gantaalka subaxnimadii Axada inkastoo dhowr jeer la isku dayay in laga hortago, waxaana uu intaa ku daray in baaritaan uu socdo. Siddeed qof ayaa ku dhaawacantay sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda gantaalka lagu tuuray garoonka diyaaradaha ugu mashquulka badan ee Israa’iil.
In ka badan 18 bilood oo weerarrada Israa’iil ay ku qaaday Qaza ayaa dilay ugu yaraan 52,495 qof, oo ay ku jiraan 57 ay gaajo ugu dhinteen guud ahaan go’doominta Israa’iil tan iyo 2-dii bishii Maarso ee sanadkan, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.
Bayaan laga sii daayay taleefishinka maxalliga, af hayeenka militariga Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa uga digay shirkadaha diyaaradaha in garoonka Ben Gurion “uusan hadda ammaan u ahayn safarka hawada”.