Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in dabbaal degga maalinta Madaraka Day ee sanad kasta Kenya laga xuso 1-da bisha Lixaad ee June ay dowladda dhexe uga baxaysa lacag u dhexeysa 60 milyan ilaa 70 milyan oo shilin.
Waxaa uu Kibicho hoosta ka xarriiqay in miisaaniyaddan ay tahay mid aan badnayn marka loo barbardhigo sanadihii hore.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in lacagta inteeda badan la siin doono kooxaha goobta Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi maanta ku soo bandhigaya cayaaraha kala duwan iyo madadaallada.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dabbaal degga maanta uu noqon doono mid ka duwan kuwii hore maadaama la soo bandhigaya awoodda ciidamada difaaca ee dalka.
Xuskan ayaa ah midka ugu dambeeya ee heer qaran ah oo uu hoggaamin doono madaxweyne Uhuru Kenyatta ka hor inta bisha Siddeedaad uunan dhammaan muddo xileedkiisa.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa laga soo xigtay in dabbaal degga Madaraka Day ee sanadkan ay ka qayb geli doonaan ilaa 30,000 oo qof .
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu goobta gaaro abaare 10-ka barqanimo.
Shacabka ayuu dhanka kale ku boorriyay inay sitaan afxirka oo aynan dhibsan baaritaannada lagu xaqiijinaya amniga.
Arrimahan ayuu Karanja Kibicho ka hadlay xilli uu xalay wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen.