Xuseen Macallin: Soomaaliya waxay diyaar u tahay dagaal haddii Itoobiya aysan ka laaban heshiiska Somaliland

0
275

La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay dagaal ay la gasho Itoobiya si looga hortaggo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca badda, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian.
“Waxaan raadineyna dhammaan fursadaha diblomaasiyadeed, waxaana filayaa in Itoobiya ay soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy Axmad uu rabo dagaal” ayuu yiri Xuseen Macallin
1-dii bishan, Itoobiya waxay la saxiixatay Somaliland heshiis is-afgarad ah oo u oggolaanaya dhismaha deked xeebeed iyo saldhig milatari oo ay ka dhisanayso badda Saylac oo ka tirsan dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa ka careysiisay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulkeeda, islamarkaana dowladda ay ku dhawaaqday in heshiiskaasi uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhammaadka bishan caasimadda Kampala ee dalka Uganda uga qayb galaya shir madaxeedka IGAD oo looga hadli doono xiisadaha cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
IGAD ayaa isku dayaysa inay xal u raadiso khilaafka labada waddan.
Tallaabada Addis Ababa ee dhinaca badda ayaa ku soo beegantay iyadoo ay socoto dhismaha biyo xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya, taasoo ka careysiisay Masar iyo Suudaan, oo sheegay inay hoos u dhigayaan helitaanka biyaha Niilka.