Xulafada madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta ku kulmaya Nyeri si ay u qorsheeyaan qofkii bedali lahaa isla markaana ay u mideeyaan taageerayaashiisa kuwaas oo u muuqday kuwo la kala firdaamiyay.
Hogaamiyaasha oo ka kala socda ismaamulada ay ka kooban yihiin beelaha Gikuyu, Embu iyo Meru ee (Gema) ayaa wadahadalada ka bilaabi doona Lusoi Lodge ee Nyeri iyagoo isku dayaya inay qorshe siyaasadeed oo wada jir ah ku soo bandhigaan kulan ay sheegeen inuu leeyahay qabanqaabadiisa Madaxa Qaranka.
Barasabyada kala ah Lee Kinyanjui (Nakuru), Anne Waiguru (Kirinyaga), Mutahi Kahiga (Nyeri), James Nyoro (Kiambu), Ndiritu Murrithi iyo Mwangi Wairia (Murang’a) ayaa la filayaa in kulanka ay ka soo qeyb galaan.
Gudoomiyihii hore ee Kiambu William Kabogo ayaa sidoo kale qeyb ka ah kooxda sidoo kale wasiirka beeraha Peter Munya ayaa goobjoog noqon doonaa.
Ajandooyinka shirka ayaa lagu sheegay inay ku heshiiyaan hannaan lagu soo xulayo hoggaamiye beddelaya madaxweyne Kenyatta, u diyaargarowga hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, u ololeynta aagga ganacsiga xorta ah ee gobollada dhexdeeda isla markaana loo istaago midnimada shacabka tirada badan ee gobolkaas.