Xulafada Ukraine oo sheegay in loo baahan yahay shaqo dheeraad ah oo ku saabsan qorshaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka

0
52

Mas’uuliyiinta Ukraine iyo Mareykanka ayaa Axadda maanta ah ku kulmi doona Switzerland si ay uga wada hadlaan qorshaha Xukuumadda Washington ee 28-ka qodob ah ee lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka, maadaama xulafada Ukraine ay sheegeen in soo jeedinta ay u baahan tahay shaqo dheeraad ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa siiyay Ukraine ilaa Khamiista inay ansixiso qorshaha 28-ka qodob ah si loo soo afjaro dagaalka ku dhawaad afar sano socday, kaas oo horseedi doona in dalka la soo weeraray uu ka tanaasulo dhulkiisa, la jaro ciidankiisa, iyo inuu ballan qaado inaysan waligiis ku biirin NATO.
Si kastaba ha ahaatee, Sabtidii, Trump ayaa sheegay in soo jeedinta Mareykanka ee hadda jirta aysan ahayn dalab kama dambays ah.