Xukun lagu riday taliye urur loo haystay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

0
386

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo lagu helay inuu gudbi jiray oo bartilmaameedkooda gaarsii jiray qaraxyadii ay Muqdisho ka fuli jirtay Khawaarijta Al-Shabaab.
Ninkaan oo ilaa dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Cabdiqaasin ka soo tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa fududeeyey in la qarxiyo goobo ay ka mid ahaayeen, Village Hotel and Restaurant, Baar Italia, agagaarka Mall-ka Xamar-weyne, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant, Agagaarka Aargada Xeebta Liido iyo goobo kale.
Ugu yaraan 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada ayaa ku geeriyooday qaraxyadii uu fududeeyey sarkaalkaan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo Rasaastiisa ah.
19-kii November 2022 ayuu ninkaan soo galay gacanta hey’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa maanta warbaahinta la wadaagay in Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle ay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah.