Xukumadda Kenya oo mamnuucday 77 ka mid ah badeecooyinka sunta cayayaanka ah

0
131

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in si deg deg ah ay u mamnuucayso 77 ka mid ah badeecooyinka sunta cayayaanka ah ee lagu iibiyo suuqyada dalkani Kenya, kaddib markii lagu ogaaday in ay ku jiraan waxyaabo waxyeello leh.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Xoolaha, Mutahi Kagwe, ayaa sheegay in tallaabadani ay daba socoto dhammaystirka dib-u-eegis ballaaran oo lagu sameeyay maaddooyinka firfircoon ee sunta cayayaanka ah, kuwaas oo ay diwaan-geliyeen guddiga ilaalinta cayayaanka (PCPB).
Dawladdu waxay kaloo xaddidday isticmaalka 202 badeecooyin ee dalagyada kala duwan halka 151 badeecooyin kale ay hadda dib u eegis ku sameynayaan maamulka PCPB iyada oo hannaanka la filayo in la soo gabagabeeyo bisha Disembar ee sanadkan.
Dib u eegista ayaa lagu sameeyay 430 badeecooyin ah kuwaas oo ay hadda isticmaalaan beeralayda dalka oo dhan.