Dowladda Kenya oo kaashaneysa Hay’adda qaran ee Maareynta Abaaraha (NDMA) ayaa gaarsiisay lacag dhan Sh 870.38 milyan qoysas nugul oo ay saameysay abaartu, kuwaas oo ku nool deegaannada abaaruhu ku badan yihiin ee loo yaqaan ASALs.
Lacagtan ayaa lagu taageeray 132,780 qoys iyadoo loo marayo barnaamijka Hunger Safety Net Programme (HSNP), si looga caawiyo la tacaalidda saameynta abaarta ba’an ee ka jirta gobolka
Qoysaska ka faa’iideystay taageeradan ayaa ku kala nool ismaamullada Mandera, Marsabit, Wajeer, Turkana, Samburu, Isiolo, Garissa iyo Tana River, kuwaas oo wajahaya xaalad cunto-yari.
NDMA ayaa sheegtay in lacagaha la bixiyay ay sare u qaadi doonaan awoodda wax iibsiga qoysaska, yareyn doonaan saameynta abaarta laga dhaxlay isla markaana gacan ka geysan doonaan xasilinta cunista iyo ilaalinta nolosha aasaasiga ah inta lagu jiro xilligan adag.
Abaarta ka jirta deegaannada qalalan iyo kuwa u dhow qalaylka ayaa si weyn u wiiqday nolosha qoysas badan, taasoo keentay in dowladda ay xoojiso tallaabooyinka jawaabta degdegga ah.
Isagoo ka hadlayay xilli uu booqday goob lacag-bixin ah oo ku taalla Waaxda Afwein ee Ismaamulka Garissa, Agaasimaha Guud ee NDMA, Lt. Col. (Rtd) Hared Adan, ayaa sheegay in lacagtani ay tahay gargaar nololeed oo muhiim u ah qoysaska ay abaartu saameysay.
Wuxuu xusay in iyadoo abaartu sii socoto, ay dowladda mudnaan siinayso barnaamijyada badbaadada bulshada, si looga hortago in xaaladda cunnada iyo nafaqada ay kasii darto, xilli ay socdaan dadaallo ballaaran oo ay wadajir u wadaan dowladda, hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarinta.
waxaa la daahfuray masaajidka Asxaabtu Al-abrar ee laga dhisay machad tababarka macaliminta ee MTT ee ismaamulka Mandera wariyaheena Cabdiqafaar Cumar Ibrahim ayaa warbixintan inoo haya




