Guddiyada doorashooyinka Guddoonada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Muqdisho ka wada diiwaangelinta musharrixiinta guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Guddiga oo shalay diiwaangeliyay Musharrixiin farabadan ayaa Maanta diiwaangeliyay musharrixiinta kala ah Xildhibaan Saadaq C/laahi Cabdi & Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo u sharaxan Guddoomiyaha ee Golaha Shacabka & sidoo kale Xilhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo u sharraxan guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka.
Guddiyada ayaa sii wadi doona diiwaangelinta musharriiinta guddoonada labada Aqal, iyadoo ay jiraan musharrixiin farabadan oo aan weli is diiwangelin, balse saacadaha soo socda is diiwaanelin doona sida uu qorshuhu yahay.
Maalinta Beri oo Khamiis ah ayaa la soo geba-gabeyn doonaa hadii aan wax isbedelin diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonada labada Aqal, iyadoo doorashada Guddoonka Aqalka Sare ay dhici doonto 26 Bishaan halka 27 la qabanayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka sida horay loo qorsheeyay.