In ka badan 60 xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay soo weeraray degmada Basuba ee keynta Boni Forest ismaamulka Lamu.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha looga shakisan yahay kooxda Al Shabaab ay beegsadeen dadka deegaanka iyadoo aan jiran waxyeelo ay gaysteen.
Ciidamada dalka ayaa si weyn uga hortagay kooxdaas iyagoona dib u riixay ka dib markii uu dhexmaray dagaal kooban.