Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaa Muuse Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Caasimadda KMGna u ah ee Maamulka Jubbaland.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Geelle ayaa kulan la qaadanaya Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo ay ka wada hadli doonaan dardar-gelinta qabsoomida doorashada 16-kursi ee gobolka Gedo ka soo galaya baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo maamulka Jubaland dhawaan shaaciyay in doorashadooda lagu qabanaya magaalada Ceelwaaq oo laga badalay deegaan doorashadoodii ahayd magaalada Garbahaareey.
Xubnaha gudigu waxay sidoo kale la kulmayaan Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayadoo ka wada hadlaya doorashada 16-ka Kursi,wararka ayaa sheegaya in Muuse Geelle usii gudbi doono magaalada Ceelwaaq oo doorashada loo wareejiyay.
Sida uu qorshahu ahaa doorashada kuraastan ayaa lagu waday inay qabsoonto maalinta berri oo Isniin ah, balse waxaa suura-gal ah inay dib u dhacdo, maadaama Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland aysan weli tagi Ceelwaaq oo loo wareejiyay doorashada 16-kursi.
Maamulka Gobolka Gedo ayaa kasoo horjeeda in doorashada kuraastaas16-ka ah lagu qabto degmada Ceelwaaq, iyagoo sheegay inay doorasho kale ku qaban doonaan Magaalada Garbahaareey oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland.