Xubnaha ururka LSK oo dooranaya mas’uuliyiin cusub

0
166

Waxaa maanta mas’uuliyiinta hoggaamin doono u codeynaya ilaa 15,000 oo ah xubnaha ururka qareennada dalka ee LSK.
Codeynta ayaa ka socoto guud ahaan wadanka.
Mas’uuliyiinta la dooranaya ayaa xilalka kala duwan haynaya labo sano.
Waxaa xilka madaxa ururka LSK ku tartamaya qareenno ay ka mid yihiin Peter Wanyama, Faith Odhiambo, Benard Kipng’etich, Njoki Mboce iyo Carolyne Kamende.
Qofkii jagadan ku guulaysto ayaa beddeli doono Eric Theuri, oo uu dhammaaday muddo xileedkiisi labada sano ahaa.
Qareennada ayaa codadkooda ka dhiibanaya ilaa 36 xarumood guud ahaan dalka waxaana natiijada looga dhawaaqi doonaa xarunta dhexe ee LSK ee waddada Gatanga road ee ismaamulka Nairobi.
Goobaha codbixinta ayaa furmay abaare 8-dii subaxnimo ee maanta waxayna soo xirmi doonaan 5-ta galabnimo.
Xilalka loo codeynaya waxaa ka mid ah madaxa LSK, ku xigeenkiisa iyo wakiilka jinsiyadeed.