Xubnaha IGAD oo soo dhaweeyay dib u soo laabashada Eritrea

0
279

Ka dib meertadii 14-aad ee ay xubnaha urur goboleedka IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayay xubnaha dalladdan soo saareen war murtiyeed faahfaahsan.
Xubnaha IGAD ayaa ugu horreyn caafimaad degdeg ah u rajeeyay madaxweynaha dalka Uganda ,Yoweri Kaguta Museveni oo aynan u suuragelin inuu kulanka ka qayb galo maadaama uu haleelay cudurka COVID-19.
Sidoo kale xubnaha IGAD ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay dowladda dalka Eritrea mar kale ugu soo biirtay urur goboleedkan.
Waxay sheegeen in horumar laga gaaray arrimaha nabadda iyo amniga gobolka .
Xubnaha IGAD ayaa intaasi ku daray inay haweenka si buuxda uga qayb gelin doonaan dadaallada iyo geeddisocodka nabadeed.
Sidoo kale dalalka IGAD ayaa dowladaha Kenya, Jabuuti , Itoobiya iyo Uganda ku bogaadiyay inay qabteen doorashooyin nabad ah oo xoojinaya dimuqraadiyadda.
IGAD ayaa sidoo kale bogaadisay dadaalladii lagu soo afjaray colaadii ka taagnayd dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Waqooyi ee Tigray.