Waxaa la dhaariyay toddobo siyaasi oo dhawaan loo soo xushay inay noqdaan saraakiisha sar sare ee guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC.
Tani ayaa timid ka dib markii golaha qaran ee xeer dejinta uu ansixiyay magacaabidda shakhsiyaadkan.
Mas’uuliyiintan ayaa kala ah xildhibaanadda deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa ,Mishi Mboko, mudanaha deegaanka Mavoko, Patrick Makau , senatarka ismaamulka Nyamira Okong’o Omogeni ,wakiilka haweenka ee ismaamulka Nyandarua ,Faith Gitau, xildhibaanka deegaanka Nyali Maxamad Cali ,Joyce Korir oo aqalka sare si magacaabid ah ku gashay iyo senatarka ismaamulka Nyandarua John Kinyua.
Munaasabadda dhaarinta waxaa guddoominayay karraaniga aqalka sare ahna xoghayaha guddiga adeegga baarlamaanka Jeremiah Nyegenye.
Sidoo kale waxaa guddiga adeegga baarlamaanka xubin ka ah Racheal Ameso oo matalaysa dadweynaha halka ay xubin kale bannaan tahay.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula ayaa xubnaga guddiga PSC ee la dhaariyay kula dardaarmay inay sharciga ilaaliyaan.
4. Hon Senator Joyce Korir pic.twitter.com/rFZQSsrK2S
— National Assembly KE (@NAssemblyKE) November 10, 2022
5. Hon Senator Eric Okong’o Omogeni, SC,MP, Nyamira County pic.twitter.com/XwjKq9yVfZ
— National Assembly KE (@NAssemblyKE) November 10, 2022
7. Hon Sen. John Kinyua Nderitu , Laikipia County pic.twitter.com/gD7cAaBDDt
— National Assembly KE (@NAssemblyKE) November 10, 2022
The New Commissioners of the Parliamentary Service Commission (PSC) have today taken an oath office, to serve for a term of Five years. pic.twitter.com/KrdDh7UEkr
— National Assembly KE (@NAssemblyKE) November 10, 2022