Waxaa maanta xilalkooda loo dhaariyay xubnaha golaha wasiirrada ee uu bishii hore soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii shalay baarlamaanka uu ansixiyay in shakhsiyaadkan oo gaaraya 24 ay qabtaan xilalka loo igmaday.
Justin Muturi ayaa hadda ah xeer ilaaliyaha qaranka wuxuuna beddelay Paul Kihara oo uu sanadkii 2018-kii magacaabay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa sidoo kale xilkiisa loo dhaariyay Musalia Mudavadi oo ah madaxa wasiirrada.
Waxaa uu ka howlgeli doonaa xafiiska saddexaad ee ugu sarreeya hoggaanka wadanka marka laga soo tago madaxweynaha William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Shaqooyinka Mudavadi waxaa ka mid ah inuu kormeer ku sameeyo mashaariicda qaran ee ay fulinayaan wasaaradaha kala duwan.
Wasiirrada maanta ku dhaartay inay si caddaalad ah u gudanayaan waajibaadkooda shaqo waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale oo ah wasiirka difaaca ee Kenya.
Waxaa sidoo kale xafiiska banneeyay madaxii waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua ka dib muddo 44 sano ah oo uu qaranka u adeegayay.
Waxaa beddelay Felix Koskei oo sidoo kale ahaan doono madaxa shaqaalaha dowladda.
Felix Kosgei ayaa isna maanta la dhaariyay.