Waxaa uu qorshuhu yahay in shacabka Kuwait ay 4-ta bisha Afaraad ee sanadkan ka qayb qaataan doorashada xildhibaannada baarlamaanka wadankaasi.
Arbacadii ayay ahayd markii afhayeenka dowladda Kuwait, Amer Al-Ajmi uu sheegay in golaha wasiirrada uu ansixiyay qaraar ku aaddan qabsoomidda doorashada baarlamaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in diiwaangelinta musharraxiinta ay billaaban doonto berri oo Isniin ah.
Bishii hore ayay ahayd markii Amiirka Kuwait , Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabah uu soo saaray amar uu baarlamaanka ku kala diray.
Wakaaladda wararka ee Kuwait ee KUNA ayaa ku warramaysa in Amiirka uu go’aankaasi u aaneeyay in golaha qaran ee xeer dejinta uu baal maray mabaadi’i dastuuri ah.