Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in howlgal laga fuliyay magaalada Istanbul lagu soo qabtay xubin ka tirsan kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Qofkan ayaa la sheegay in ay aad isugu dhawaweeyn hoggaamiyihii ISIS Abu Bakr al-Baghdadi ee cidamada gaarka ah ee Maraykanka ay bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii sheegeen in ay dileen.
Ninka la qabtay oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Afghanistan ayaa magaciisulagu sheegay ASIM.
Bayaan ay maanta soo saareen booliska magaalada Istanbul ayaa waxaa ku cad in ASIM laga qabtay degmada Atasehir.