Xoghaynta BBI oo dacwad gaynaysa maxkamadda ugu sarreysa dalka

0
511

Guddoomiyaasha xoghaynta BBI ee kala ah Dennis Waweru iyo Junet Maxamad ayaa shir jaraaid oo ay qabteen ka sheegay inay maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme court u gudbin doonaan kiis ay kaga soo horjeedaan go’aankii maxkamadda racfaanka ay ku laashay hannaanka sharci beddelka.
Siyaasiyiintan ayaa xusay inay jiraan arrimo ay ku kala duwanaadeen maxkamadda racfaanka iyo midda sare kuwaasoo hadii maxkamadda ugu sarreysa aynan caddeyn abuuri karo jahawareer dhanka sharciga ah.
Dennis Waweru ayaa laga soo xigtay in aynan marnaba ka daali doonin in lagu guulaysto ujeedadii loo billaabay qorshaha xeer beddelka ee BBI.
Junet Maxamad oo soo qaatay tusaalooyin dhowr ah ayaa sheegay in maxkamadda ugu sarreysa laga doonayo inay tixgeliso codsi uu u bandhigi doono xeer ilaaliyaha qaranka Paul Kihara Kariuki.
Xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori ayaa carrabka ku dhuftay in dhaqangelinta BBI ay faa’iidooyin badan u leedahay dalka.
Waxaa uu tilmaamay in waxyaabaha lagu xallinayo qorshahan ay ka mid tahay isqabqabsiga siyaasadeed ee soo baxo ka dib doorashada guud.
Junet Maxamad ayaa sheegay in doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay ka dhiman tahay wax ka yar hal sano ilaa iyo haddana aan la hayn hannaan looga hor tagaya in rabshad aynan ka dhalan natiijo lagu murmo.
Mar uu ka hadlayay arrimaha horumarka ayuu Junet Maxamad sheegay in maxkamadda sare iyo midda racfaanku ay hor istaageen in la kordhiyo miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xarriiqay in tan iyo xilligii ay Kenya qaadatay madax bannaanida aysan weli deegaanada dalka ka sinnayn dhanka horumarka taasina ay caddaalad darro tahay.