Xoghayihii hore ee wasaaradda caafimaadka dalka Josephine Mburu ayaa iska fogeysay fadeexad lala xiriiriyay oo saameysay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA.
Waxay hoosta ka xarriiqday inaynan xilkan hayn markii la billaabayay qandaraaska maro kaneecada la rumeysan yahay in lagu lunsadau balaayiin shilin.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay maanta ka soo hormuuqatay guddiga arrimaha caafimaadka ee aqalka sare.
Mburu ayaa intaasi ku dartay in maamulka KEMSA uunan hoos tagin waaxda ay qaabilsanayd.
Sidoo kale waxay sheegtay inay keliya warbaahinta uga war heshay tallaabada shaqada looga joojiyay.