Xoghayihii guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya oo xilkii laga qaaday

0
398

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal ee dalka Soomaaliya Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilkii ka qaaday Xoghayaha guud ee guddigan Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadan.
Xoghayaha xilka laga qaaday ayaa xalay kasoo horjeystay liiska Xildhibaannada labada Aqal ee uu soo saaray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, isaga oo sheegay in aan lagala tashan.
Khilaafkaan soo kala dhex-galay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal iyo Xoghayaha xilka laga qaaday, ayaa salka ku hayo Xubno ka mid ah golaha Shacabka ee la doortay, balse liiska la soo saaray laga reebay.