Xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda oo la dhaarinaya

0
318

Waxaa xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi ka socoto dhaarinta 51 qof oo uu madaxweyne William Ruto u soo magacaabay xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka uu ansixiyay magacyada shakhsiyaadkan la turxaan bixiyay.
Dhaarinta ayaa imaanaysa ka dib markii hoggaamiyaha wadanka uu magacyada 51-ka qof ku soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Xoghayeyaasha ayaa ku dhaaranaya in iyagoo dastuurka wadanka u hoggaansamaya ay si daacad ah u gudan doonaan waajibaadkooda shaqo.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa goobjoog u ah dhaarinta oo uu guddoominaya madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada ahna madaxa adeegga dadweynaha Felix Koskei .
In kastoo siyaasiyiinta laga tirade badan yahay ee Azimio ay su’aal geliyeen qaabka loo dedejiyay turxaan bixinta iyo meel marinta magacyada xoghayeyaasha haddana waxaa tani difaacay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wa oo sheegay in dowladdu ay u baahan tahay in mas’uuliyiintan ay dadweynaha u adeegaan.
Waxaa uu sheegay in guddi waliba oo baarlamaanka ka tirsan uu waqti geliyay in la xaqiijiyo in qofka la soo magacaabay uu u qalmo u adeegidda qaranka.
Turxaan bixinta xoghayeyaasha ayaa waxaa dib u dhac ku keenay dacwad uu maxkamadda geeyay ururka qareennada dalka ee LSK balse ugu dambeyn meesha laga saaraya.
Talaadadii ayay ahayd markii garsoore Nduma Nderi uu kiiskan dhinac iska dhigay taaso horseedday in turxaan bixinta ay sii socoto ugu dambeynna saraakiishan la ansixiyo.