Xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha oo la dhaariyey

0
327

Waxaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi maanta lagu dhaariyey xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe ee uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne William Ruto.
Mas’uuliyiintan ayaa tiro ahaan gaaraya 50.
Waxaa la filayay in baarlamaanka dalka uu turxaan bixin ku sameeyo shakhsiyaadka loo soo magacaabay xilalka xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha.
Hasa ahaate afhayeenka madaxtooyada wadanka Xuseen Maxamad oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula uu arrintan dib ugu soo celiyey hoggaamiyaha wadanka .
Wetangula ayaa xusay in baarlamaanka uunan awood dastuuri ah u lahayn turxaan bixinta mas’uuliyiintan.
Madaxweyne Ruto ayaa intaasi ka dib si rasmi ah u magacaabay saraakiishan waxayna maanta ku dhaarteen inay waajibaadkooda shaqo u gudan doonaan si waafaqsan xeerarka dalka iyagoo aanan cidna u eexan.