Xoghayaha wasaaradda waxbarashada oo difaacay qaabkii loo saxay imtixaanka KCPE

0
267

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in warqadaha imtixaanka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ee sanadkan si wanaagsan loo saxay.
Xilli uu ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka wadanka u qaabilsan arrimaha waxbarashada ayuu hoosta ka xarriiqay inay adeegsadeen halbeegga ugu sarreeya ee dhanka sixidda ah.
Xoghayaha ayaa sheegay in saraakiil sare ay mar kale dib u saxaan warqadaha imtixaanaadka iyagoo xaqiijinaya tayada howshan.
Dhanka kale golaha imtixaannada qaran ee (KNEC) ayaa qaladaadkii la soo tabiyay ee la xiriiray natiijada KCPE-da u aaneeyay inuu hooseeyay hannaankii ardayda ay ku helayeen natiijada ee fariinta gaaban taasoo keentay in natiijada maadooyinka qaar la isku qalday.
Dhanka kale KNEC ayaa sheegtay inay ku dadaalaysa sidii tabashooyin ay arday soo gudbiyeen loogu xallin lahaa 30 cishe gudaheeda.