Xoghayaha caafimaadka dadweynaha ee dalka Mary Muthoni ayaa maamullada isbitaallada heerarka 2-aad, saddexaad iyo kuwa ku yaalla deegaannada uga digtay in ay lacago ka qaadaan dadka bukaan socodka ah ee halkaasi u raadsada daryeelka.
Waxay sheegtay in amarkan uu bixiyay madaxweynaha waddanka William Ruto sidaasi awgeedna ay qasab tahay in loo hoggaansamo.
Muthoni ayaa wacad ku martay in dafiraadda amarkan ay horseedi doonto in isbitaalka lagala laabto oggolaanshaha uu ku shaqeeya.
Xilli ay ku sugnayd ismaamulka Kirinyaga ayay hoosta ka xarriiqday in dhammaan dadka iska diiwaangeliyay caymiska caafimaadka bulshada ee SHA ee bukaan socodka ah marka ay tagaan isbitaallada heerarka 2-aad, saddexaad iyo kuwa ku yaalla deegaannada ay tahay in si lacag la’aan ah loogu adeego.