Xoghayaha joogtada ah ee waaxda guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka dalka Charles Hinga ayaa baaq u diray hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhanka hooyga.
Waxaa uu hay’addan iyo ururrada iskaashiga la leh ka codsaday inay maalgeliyaan Barnaamijka guriyeynta.
Waxaa uu Hinga sheegay inay lagama maarmaan tahay in dhaqaale loo qoondeeyo sidii loo taageeri lahaa qorshayaashan maadaama sida uu hadalka u dhigay caqabad dhanka hooyga ah ay ka taagan tahay qaaradda Afrika.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu maanta ka hadlayay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi oo lagu qabtay barnaamij ay dowladdu faahfaahin uga bixinaysay qorshaha guriyeynta ee si wayn looga hadal hayo gudaha wadanka.