Waxaa xilkeedii iska casishay Esther Ngero oo ahayd xoghayaha joogtada ee waaxda asluubta dalka oo hoos tagto wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xaqiijiyay inuu guddoomay warqadda is casilaadda ee Ms Ngero.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei ayaa arrinkan bayaan ku shaaciyey.
Waxaa qoraalka ku xusan in haweeneydan ay xafiiska banneysay iyadoo cuskanaysa arrimo shakhsiyeed.
16-kii bishan ayay ahayd markii isku shaandheyn la sameeyay Esther Ngero looga soo wareejiyey waaxda bixinta adeegyada ee xafiiska madaxa wasiirrada dalka.
Waxaa xilka xoghayaha joogtada ah loo magacaabay bishii 12-aad ee sanadkii hore ka dib 20 sano oo ay ka shaqeynaysay arrimaha batroolka.