Xoghayaha qaramada midoobay oo toddobaadkan la kulmaya madaxweynaha Ukraine

0
299

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres iyo madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa berri kulan la qaadan doono hoggaamiyaha wadanka Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Shirka ayaa ka qabsoomi doono dalka Ukraine sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay qaramada midoobay.
Afhayeenka Guterres, Stephane Dujarric ayaa warbaahinta u sheegay in xoghayaha guud iyo Erdogan ay casuumaad ka heleen madaxweynaha Ukraine sidaas awgeedna khamiista ay ku wada kulmayaan magaalada Lviv.
Waxaa uu Dujarric intaasi ku daray in maalinka Jimcaha ah ay saddexdan mas’uul booqan doonaa dekedda badda madhow ee Odesa halkaasi oo ay ka socoto dhoofinta qamaddiga.