Xoghayaha ODM oo sheegay in aan laga aqbalin codsi ku aadanaa wada hadal

0
360

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi ,Edwin Sifuna ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka dhaga fureysatay baaq uga yimid isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya oo ku saabsanaa in laga wada hadlo xaaladda dalka.
Waxaa uu xusay in tani ay tahay sababta ay u go’aansadeen inay gudaha wadanka ka dhigaan dibadbaxyo.
Sifuna ayaa carrabka ku adkeeyay in Azimio ay isku dayeysay inay dowladda dhexe kala xaajooto sare u kaca qiimaha maciishadda balse aan la tixgelin.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu saaka ka qayb qaadanayay dood ay qabatay warbaahinta maxalliga ee Citizen.
Waxaa uu sheegay in hadda aynan furnayn waddo wada hadal balse ay mudaharaad qaran isku diyaarinayaan.