Mas’uuliyiinta xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ku dhaliilay hadal uu jeediyay oo ku saabsanaa sicir bararka dhanka maciishadda ee jira.
Xoghayaha guud ee Jubilee ,Jeremiah Kioni ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu Ruto kaga dalbaday inuu xafiiska banneeyo.
Kioni ayaa xusay inaysan macquul ahayn in William Ruto isagoo weli dowladda ka tirsan uu ka calaacalo culeysyada taagan halka laga doonayo inuu qayb ka noqdo xallintooda.
Waxaa uu hoggaamiyaha labaad ee wadanka ku eedeyay in isagoo ka faa’iidaysanaya dhibaatooyinka haysta shacabka uu raadsanaya mansab siyaasadeed.
Qoraalka Kioni waxaa ku cad in Ruto uu caadeystay walaac uu muujiyo oo uunan kenyaanka u hayn xal wax ku ool ah.
Dhanka kale Jeremiah Kioni ayaa ku andacoonaya in safarradii uu dhawaan madaxweyne ku xigeenka dalka ku tagay Ingiriiska iyo Maraykanka ay ku baxday lacag dowladeed oo dhan 200 oo milyan oo shilin.
Lacagtan ayuu hoosta ka xarriiqay inay ku filan tahay in barnaamij degdeg oo cunno qaybin ah laga sameeyo ismaamullada ay sida wayn u taabatay abaarta.
Xoghayaha guud ee Jubilee ayaa intaasi ku daray in maalmaha Sabtida iyo Axadda keliya toddobaad walbo ololaha siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka ay ku baxdo ugu yaraan 50 milyan oo shilin marka la eego tasiilaadka gaadiidka iyo sugidda amnigiisa.
Tani ayuu sheegay inay culeys dheeraad ku tagay canshuur bixiyaha kenyaanka ah.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee ayaa hadallada ku xigeenka madaxweynaha dalka ku tilmaamay kuwo laga dheehan karo labo wajiilennimo.
Waxaa uu ku celceliyay in William Ruto ay u furan tahay inuu si daacad ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee ah caawinta madaxweynaha ama inuu xilka iska casilo.
Bayaanka xisbiga Jubilee ayaa ku soo aaday ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu sheegay in 39 bilyan oo loogu talagalay sanduuqa horumarinta batroolka ee dalka si loo dhimo qiimaha shidaalka , in loo adeegsanaya arrimo kale taasoo sababtay in wadanka ay ka jirto caqabad dhinaca shidaalka ah.
Hasa ahaate madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shalay saxiixay in 34 bilyan oo shilin la soo saaro si loogu wareejiyo shirkadaha ka ganacsada badeecooyinka shidaalka.