Xoghayaha guud ee UDA oo sheegay inay tallaabo sharciyeed ka qaadayaan ODM

0
345

Xoghayaha guud ee xisbiga UDA Cleophas Malala oo xalay u warramay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay inay guda galayaan tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah xisbiga ODM.
Malala ayaa hoosta ka xarriiqay in maalinkii Isniinta ee ay dibadbaxyada mucaaradka Azimio ka socdeen ismaamulka Kisumu in la adeegsaday dad qaswadayaal ah oo waxyeello u gaystay xafiisyada UDA ee dowlad deegaankaasi sidoo kalena hanti burburiyay.
Waxaa uu Malala xusay inuu warqad u qoraya xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka ee ay hoggaamiso Anne Nderitu si ODM aan loogu wareejin lacago loo qoondeeyo xisbiyada.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray inay maxkamadda sare ee dalka u gudbin doonaan dacwad ay ku dalbanayaan in ODM lagula xisaabtamo burburka ay gaysteen taageerayaashooda.