Xoghayaha guud ee xisbiga UDA ,Cleophas Malala ayaa mas’uuliyiinta hoggaamiyo xisbiyada kale ee ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ugu baaqay inay xisbiyadooda meesha ka saaraan oo ay ku soo biiraan UDA.
Malala ayaa hoosta ka xarriiqay in qofka uunan xubin ka ahaan karin golaha wasiirrada isagoo ka tirsan xisbi aan ahayn midka madaxweynaha.
Tani ayuu xusay inay tahay xaqiraad ka dhan ah hoggaaniyaha wadanka.
Isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa waxaa xubno ka ah xisbiyada ANC ,Ford Kenya, MCC iyo kuwo kale.
Waxaa uu Malala tilmaamay in haddii xisbiyadan meesha laga saaro uu xisbiga UDA noqonaya mid leh awood buuxda oo siyaasadeed.