Xoghayaha Guud ee QM oo Israa’iil uga digay in ay ku duusho Rafah

0
282

Xoghayaha Guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa Israa’iil uga digay in ay duullaan ku qaaddo magaalada ku taalla Koonfurta Qaza ee Rafah.
Waxaa uu sheegay in tallaabadaasi ay Falastiiniyiinta Qaza iyo si guud shacabka ku nool Bariga Dhexe u horseedi karto saameyn wayn.
Madaxa arrimaha baniaadannimada ee qaramada midoobay Martin Griffiths ayaa dhankiisa xusay in xaqiiqadu ay tahay in howlgal dhanka dhulka ah oo laga fuliyo Rafah ay ka dhalan doonto dhibaato aan baaxadeeda oraah lagu cabbiri karin.
Waxaa uu tilmaamay in uunan jirin qorsho baniaadannimo oo xaaladdaasi lagula tacaali karo.