Xoghayaha Guud ee QM midoobay oo Israa’iil ugu baaqay inay joojiso deegaamaynta Falastiin

0
224

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ,Antonio Guterres ayaa maamulka Israa’iil ugu baaqay inuu si degdeg ah u joojiso howlaha deegaamaynta ee uu ka wado deegaannada uu haysto ee ka tirsan dalka Falastiin.
Waxaa uu xusay in qorshahan uu yahay mid sii hurinaya xiisadda iyo rabshadaha ka taagan halkaasi.
Sidoo kale deegaamaynta ay sameynaysa Israa’iil ayuu Guterres sheegay inay caqabad ku tahay in xal nabadeed oo waara la gaaro.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la soo gabagabeeyay qorsho ay Israa’iil deegaannada Daanta Galbeed ee Falastiin uga dhisaysa in ka badan 4,560 oo guriyo ah.
Hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya ka dib markii howlgallo ay shalay ciidamada Israa’iil ay ka fuliyeen xerada qaxootiga ee magaalada Jenin ee Daanta Galbeed lagu dilay 5 qof oo u dhashay Falastiin oo uu ka mid ahaa wiil 15 sano jir ah halka in ka badan 90 kalena lagu dhaawacay.