Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay oo gaaray Muqdisho

0
261

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madax kale.
Antonio Guterres ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu kulamo kala duwan la qaato madaxda ugu sareeysa dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.
Waxaa socdaalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres loo xiray inta badan waddooyinka Caasimadda, iyada oo lagu arkayo Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.