Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ciidamada Kenya ku boorriyay in ay is xakameeyaan

0
336

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa qoraal uu soo dhigay barta X waxaa uu walaac xooggan uga muujiyay xaaladda ka taagan Kenya.
Waxaa uu xusay inuu ka naxay warbixinnada tilmaamaya in shalay la dilay sidoo kalena la dhaawacay shakhsiyaad ay ka mid ahaayeen wariyaal iyo saraakiisha caafimaadka xilli ay socdeen dibadbaxyada ka dhanka ah hindise sharciyeedka maaliyadda.
António Guterres ayaa maamullada ammaanka ee dalka ka codsaday in ay aad isku xakameeyaan.
Waxaa uu sidoo kale ku baaqay in dhammaan dibadbaxyada ay noqdaan kuwo nabad ah.