Xoghayaha Guud ee ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee KUCO , George Gibore ayaa dowladda ugu baaqay in ay dhaqangeliso heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee CBA ee ay wada saxiideen sanadkii 2017-kii.
Xilli uu wareysi gaar ah siinayay idaacadda Radio Citizen ayuu hoosta ka xarriiqay in ay dareemayaan culeysyada ay wajahayaan kenyaanka balse xalku uu ku jiro in dowladdu ay oofiso ballanqaadkeedi.
Waxaa uu dhanka kale taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ugu baaqay in uunan soo faragelin ismari waaga ka dhexeeya wasaaradda caafimaadka iyo dhakhaatiirta.
Koome ayuu ka codsaday inuu ilaaliyo xaqa dastuuriga ee ay saraakiisha caafimaadka u leeyihiin in ay tabashooyinkooda soo bandhigaan iyagoo aan la cabburin.