Xoghayaha Guud ee KMPDU oo dhaliil u jeediyay dowladda

0
412

Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladdu ay diiday in ay kala xaajooto arrimo ay weli tabanayaan.
Waxaa uu ku doodaya in la isku dayay in lagu qasbo in ay saxiixaan heshiiska dib ugu laabashada shaqada oo uu ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo aan dhameystirnayn.
Xoghayaha ayaa sheegay in KMPDU aan marnaba lagu qasbi doonin in ay qalinka ku duugto dokumeenti baalmarsan heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee sanadkii 2017-kii.
Waxaa uu tilmaamay in dhakhaatiirta aan la cabsi gelin karin.
Waxaa uu xusay in shaqo joojinta hadda jirta ay ahayd mid laga hor tagi karay haddii sida uu qoraalka u dhigay aynan ahayn karti la’aanta hoggaanka wasaaradda caafimaadka.
Sidoo kale waxaa uu bayaanka ku xusay in ismaamullada ay fududeysteen tabashooyinka dhakhaatiirta .
Xoghayaha Guud ee ururka KMPDU ayaa sheegay in ay muddo 7 sano ah sugayeen in la dhaqangeliyo heshiiskii ay dowladda la gaareen.
Waxaa uu tilmaamay in muddadan gudaheeda ay qayb ka ahaayeen wada tashiyo badan iyo geeddisocod maxkamadeed oo natiijooyinkooda aan la tixgelin ama lagu tallaaba qaadin.
Dr. Davji ayaa laga soo xigtay in ay isku diyaarinayaan in ay berri maxkamadda tagaan si ay dhankooda u soo bandhigaan isagoo ku adkeystay in xaaladda cakiran aan laga gudbi doonin ilaa iyo inta ay dowladdu si buuxda uga dhaqangelinaysa tabashooyinka saraakiisha caafimaadka.
Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha caafimaadka ee golaha CoG Muthomi Njuki ayaa dhankiisa sheegay in haddii saraakiisha caafimaadka aynan sameyn sida laga doonaya in ay hoggaamiyaasha dowlad deegaannada danta ku qasbi doonto in ay shaqada ka eryaan saraakiisha caafimaadka ee shaqo joojinta ku howlan si kuwo kale loogu beddelo.
Waxaa uu Njuki carrabka ku adkeeyay in wixii hadda ka dambeeya aan loo sii dulqaadan karin dhibaatooyinka ay wajahayaan kenyaanka daryeel caafimaad u raadsanaya isbitaallada dowladda.