Xoghayaha guud ee xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee Mr. Raphael Tuju ayaa sheegay in aynan sax ahayn in isaga loo adeegsanaya gacan-bidixeyn siyaasadeed oo ka dhan ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa uu Tuju carrabka ku adkeeyay in ay jiraan arrimo muhiim ah oo ay isaga iyo Ruto ka wada hadlaan.
Xoghayaha ayaa ka jawaabayay dhaliil uga timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta taageersan ku xigeenka madaxweynaha Kenya William Ruto.
Ruto ayaa dhankiisa horay u sheegay in tani iyo xilligii ay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga kulmeen sanadkii 2018-kii , ay soo baxeen shakhsiyaad isleheysiinaya xisbiga talada haya.