Xoghayaha guud ee COTU oo dhaliilay dibadbaxyada Azimio

0
252

Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli ayaa cambaareeyay dibadbaxyada ay dhigaan siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya.
Atwoli ayaa shaqaalaha kenyaanka ah ugu baaqay inaynan ka qayb gelin dibadbaxyada.
Xoghayaha COTU ayaa maanta sheegay in mudaaharaadyada ay yihiin khatar uu ku burburi karo qaranka.
“Ma rabno in aan dalka dab qabadsiino ,waxaan doonayna in aan walaalo sii ahaano”ayuu yiri Atwoli.
Xoghayaha COTU oo ay aad isugu dhow yihiin Raila Odinga ayaa sheegay inuunan howlwadeennada wadanka ku marin habaabin doonin ka qayb qaadashada dibadbaxyada.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu madaxweynaha dalka William Ruto la wadaagaya gaabadka maamulkiisa balse uu si dhow ula shaqeyn doono.