Xoghayaha COTU oo waddo loogu magac daray

0
445

Waxaa waddo ku taalla magaala madaxda dalka ee Nairobi loogu magac daray xoghayaha guud ee ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli .
Wadadan ayaa horay loo yaqaanay Dik Dik waxayna ku dhowdahay dugsiga sare ee Kenya High .
Munaasabadda wadadan loogu magacdaray Mr.Atwoli ayaa waxaa guddoominaysay barasaab ku xigeenka caasimadda dalka Ann Kananu.
Mr. Atwoli ayaa dhankiisa hoggaanka Nairobi uga mahadceliyay in ay sharfeen oo ayna aqoonsadeen shaqaalaha wadanka.