Xoghayaha COTU oo sheegay inuunan khilaaf shakhsiyeed kala dhexeyn Ruto

0
508

Xoghayaha daladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa sheegay inuusan jirin wax dhib oo isaga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uga dhex jiro si shakhsi ah.
Atwoli oo horay dhaliilo ugu jeediyay Ruto ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta qaranka ee KBC ku sheegay in madaxweyne ku xigeenka uu yahay siyaasi dadaal iyo xeelad badni isku darsaday.
Mr. Atwoli ayaa tilmaamay in Ruto uu ku guulaysan karo doorashooyinka guud ee mustaqbalka balse uunan ku sii bixi doonin loolanka madaxtinimo ee 2022-ka.
Waxaa uu xoghayaha guud ee COTU ku celceliyay in isaga iyo William Ruto ay isku hayaan keliya afkaar ku aaddan siyaasadda horumarineed ee dalka oo ay ku kala duwan yihiin.