Xoghayaha Guud ee Arrimaha Gudaha Dr. Raymond Omolo ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay hubinta hufnaanta iyo habsami u socodka imtixaanada qaranka ee socda.
Omolo ayaa ammaanay isku dubaridka aan kala go’a lahayn ee ka dhexeeya hay’adaha dowladda ee ilaalinta nidaamka inta lagu jiro muddada imtixaanka, isagoo ka hadlayay maanta xilli uu kormeer ku tagay xafiiska Starehe ee ku xigeenka guddoomiyaha ammaanka ku matalo dowladda dhexe ismaamulka Nairobi.
Xoghayaha ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay si dhow ula shaqeyneyso Wasaaradda Waxbarashada si loo hubiyo taageero amni iyo saadka oo ku filan muddadaas.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, in ka badan 600 oo konteenar oo dalka oo dhan ah ayaa si dhow loola socdaa si loo hubiyo in si ammaan ah loo keydiyo oo loo geeyo agabka imtixaanka waqtiga ku haboon.
Dr. Omolo ayaa qirtay in roobabka ka da’aayo qaybo ka mid ah dalka ay abuureen caqabado dhanka saadka ah, balse waxaa uu xaqiijiyay in hufnaanta imtixaanadka aysan saameyn doonin.
Wasaaradda ayaa waxaa ay sidoo kale ku dhawaaqday qorshayaal lagu dhisayo xarun qaran oo heer degmo ah si loo hubiyo la socodka waqtiga dhabta ah iyo jawaabta degdeg ah oo ku saabsan arrimaha soo baxaya.
Omolo ayaa sidoo kale soo saartay digniin adag oo ka dhan ah isku dayada lagu doonaayo in lagu khiyaamo hufnaanta imtaxanaadka.
Imtixanaadka qiimaynta ee fasalka lixaad ee dugsiga hoose ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo halka imtaxaanka fasalka sagaalaad ee dugsiga hoose iyo kan fasalka afaraad ee dugsiga sare ay si toos ah u sii socon doonaan.




